Siddee loo Adgeeyaa Amniga Windows 2000 - Windows Xp.

Welcome To My Homepage Muxaadaro SPYWARE IYO ADWARE Web Server 1 Web Server 2 Msconfig  Amniga Windows 2000 - WinXp 1 Amniga Windows 2000 - WinXp 2 Ninyahow

Maqaalkeenan maanta waxaan ku baran doonnaa sidda loogu sameeyo amni adag Windows 2000 iyo Windows XP.

Amnigu waa qeyb ka mid ah nolosha aadanaha, waa shay dhamaan aadamahu u baahan yahay, aad bayna u adag tahay in bulshadu ay hesho nolol qiimo leh amni la'aantiis.

Maadaama amnigu uu sidaas u yahay shay aad u qiimo badan oo lagama maarmaan u ah nolosha bini aadamka, baa haddana cid walba ay haboon tahay in ay si gooni ah usii adgeysato amaangeeda, tusaale haddii qof uu guri dhisanayo, wuxuu guriga u yeellaa allbaab, si allbaabku uu guriga ugu noqdo gaashaan ka celiya in cidd walba ay iska soo gasho guriga.

Siddoo kale ruux walba oo hanti leh wuxuu ku dadaallaa siddii uu hantidiisa u ilaalsan lahaa, wuxuu xoolihiisa ku xifdiyaa meello uu is leeyahay amaankoodu waa ay sugan yihiin, wuxuuna had iyo jeer ku dadaallaa siddii uu usii adgeen lahaa amaanka hantidiisa.

Hadaba kombuyuutarku wuxuu ka mid yahay hantidda uu ruuxu iska leeyahay, taasoo u baahan in ruux walba uu si gooni ah ugu dadaallo amaangeeda, qofka wuxuu kombuyuutarkiisa ku keydsattaa hanti fara badan, wuxuuna u isticmaallaa howlo kala duwan, waxaanna ruux walba la gudboon in uu mar walba adgeeyo amaanga kombuyuutarkiisa xagga gudaha iyo dibadaba, isla markaasna sameysto gaashaan uu ka-gallo weeraradda kaga imaan kara xag walba.

Waxaa in badan dhacda in aad internet-ka isticmaasho adigoo email ama danna kaleba u isticmaalaya, kadibna aad damiso kombuyuutarkaaga oo nabad qaba.

Kadib marka labaad ee aad u baahato in aad isticmaasho kombuyuutarkaaga aad ku aragto isagoo la badalay boggii kuu ahaan jiray home page-ka ee aad horey u argi jirtay iyo popup-yo wax xayeesiinaya oo fara badan oo aadan horey u argi jirin.

Waxaad in badan is weydiin kartaa su'aalo dhowr ah oo ay ka mid yihiin, muxuu yahay qofkan browser-kaagii boggiisa hore dukaanka ka furtay, xattaa isaga oo aan arintaas kaalla tashan?

• Maxuusan kombuyuutarkaygu u ahayn mid ammaan ah, kadib markii aan ku xiray Firewall iyo Anti Virus-ba!

Waxaa hubaal ah in Firewall-ka iyo Anti Virus-kuba ay yihiin laba waardiye oo wax uun kaa difaaci kara, balse waxay u baahan yihiin wadda shaqeyn wanaagsan.
B: waxaad u baahan tahay inaad adgeyso aasaaska barnaamijta aad isticmaalayso, sababtoo ah ma'ahan intooda badan kuwo amnigoodu sugan yahay.
T: waxaad kale oo aad u baahan tahay inaad uptade ku sameyso barnaamijta aad isticmaalayso sidda Anti Virus-ka i.w.m.

• Ma u baahanay xattaa inaan updated ku sameeyo browser-ka aan isticmaalo iyo operating system-ka ku jira kombuyuutarkayga !!

Dabcan jawaabtu waa haa, xattaa waxaad kale oo aad u baahan tahay in aad updated ku samayso barnaamijta ku jirta kombuyuutarkaaga qaarkood sidda anti virus-kaaga, waanna muhiim in aad updated ku samayso operating system-ka iyo browser-ka (Internet Explorer) aad isticmashaasho.

• Waxaa kombuyuutarka iigu jira OS Windows Xp, wuxuuna leeyahay firewall hadaba ma igu filan yahay inaan isticmaallo firewall-kaas ku jira Windows XP!

Maya, Windows XP ma leh Firewall rasmi ah, firewall-ka ku jirana waa firewall kombuyuutarka ka difaacaya waxyaabaha qaarkood ee soo galaya, balse ma ahan firewall-ka ku jira Windows XP mid kombuyuutarka ka difaacaya waxyaabaha ka baxaya, waa faqiir aan wax badan kaa celin karin, haddii aad firewall u baahan tahay isticmaal mid ka mid ah firewall-ada maanta suuqa yaal, isticmaal sidda Sygate Personal Firewall ama ZoneAlarm, labaddaba aad bay u sahlanyihiin isticmaalkooda, haddii aadan rabin inaad isticmaasho mid ka mid ah firewall-adda suuqa yaal, marka isticmaal Windows XP internet connection firewall, wuxuu kuu dhaammaa wax la'aan.

• Ma waxaan u baahnahay in aan u raadiyo kombuyuutkayga qof kombuyuutar qibrad fiican u leh, si aan amniga kombuyuutarkayga u sugo!

Maya, keliya waxaad u baahan tahay inaad samayso dhowr talaabo oo sahlan si aad u adgeyso amniga kombuyuutarkaaga, kadibna waxaad argaysaa amniga kombuyuutarkaaga oo siddii hore aad ugu fiican.

• Ok, marka waxaan u baahanay inaan qarash badan keliyo oo aan soo iibsato barnaamij arimahaas iga caawiya!

Maya, dhamaan barnaamijta aad u baahan tahay waa bilaash.

• Ma bilaash, hadalka iisoo daj-daji maxaan sameeyaa, si aan u adgeeyo amaanka kombuyuutarkayga!

Ok, si aad u adgeyso amniga kombuyuutarkaaga sameey dhowrkan talaabo ee aan hoos kugu soo qoray, kadibna waxaad argaysaa amaanka kombuyuutarkaaga oo siddiisii hore aad ugu fiican.

• Wadda Xir Dhamaan Ports-yadda

Haddii aad aragto port ka furan kombuyuutarkaaga, waxaad ogaaddaa in port-addaas ay u furan tahay program aktive ah oo markaas isticmaalaya, balse port aan program isticmaalayn kaligeed isma furayso, waxaa hubaal ah innuu jiro program aktive ah oo suurta gelinaya in ay port-addaas furnaato si uu kombuyuutarada kale ugala xiriiro.

Waxaa xaqiiqa ah haddii aysan jiri lahayn ports ka furan system-ka kombuyuutarkaaga, in aadan isticmaali kari lahayn internet-ka, sidaas darteed waxaa muhiim ah inaad keliya iska xirto port-ooyinka aadan u baahnayn, kuwa kalena aad deysato.

Marka aad rabto in port aad xirto marka hore waa inaad damiso ama uninstall ku samayso program-ka aktive-ka ah ee isticmaalaya port-adaas furan, nambarka port wuxuu noqon karaa nambar walba oo u dhaxeeya 0 ilaa 65535, port-ooyinka aad wax badan aragtay amaba aad isticmaashay waxay u dhaxeeyaan 0 ilaa 1023 waana kuwa loogu ogaansho badan yahay, waxaa port-ooyinkaas u dhaxeeya 0 ilaa 1023 ka mid ah:
80 www-http
21 ftp
22 ssh, pcAnywhere
23 Telnet
25 SMPT
110 POP3
Maqaalkan in aad akhrisato waxaa kuu saamaxay kombuyuutarkaaga oo lasoo xiriiray kombuyuutarka ay ku jiraan xogta maqaalkan, isagoo isticmaalaya ip address iyo port-adda nambarkeedu yahay 80 www-http si laguu tuso maqaalkan, waxaadna mar walba ogaadaa in ip address iyo port nambar oo wadda socta ay kombuyuutaradu kuwadda xiriiraan, haddii aad rabto inaad aragto kombuyuutarada uu la xiriirayo kombuyuutarkaaga, riix Start, kadib Run, kadib ku qor cmd.exe oo riix Ok, kadib Command Prompt-ga laguu furo ku qor netstat -n, kadibna riix enter, intaas kadib waxaa lagu tusayaa Active Connections-ka oo dhan, waxaanna laguu tusayaa si ip address iyo ports wadda socta ah siddan oo kale 127.0.0.1:xxxx, dhowrka nambar ee ka horeeya calaamada labada dhibic ee siddan ah 127.0.0.1 waa ip address, dhowrka nambar ee ka danbeeya labada dhibcood ee siddan ahna: xxxx waa port nambar, halkaas waxaa kaaga cad in kombuyuutar walba oo kombuyuutarkaagu uu la xiriirayo ama lasoo xiriirayo uu isticmaalayo ip address iyo port nambar oo wadda socta, sidaas darteed baan waxaan iska wadda xiri doonnaa port-ooyinka aannan isticmaalayn.

• Habka aad u xirayso ports-yadda

Si aad u xirto port-ooyinka aadan u baahnayn riix Start, Settings, kadib door Control Panel, kadib dooro Network and Internet connections, kadib dooro connections-ka aad isticmaasho oo ku sameey right click kadibna ka dooro Properties, kadib dooro Networking tab, kadib mid mid inta aad mouse-ka dusha ugu saarto dhamaan Uninstall ku sameey, marka laga reebo TCP/IP iyo middii kale ee aad adigu deysanayso.

FG: Haddii aad isticmaasho Network "micnaha aad isticmaalayso dhowr kombuyuutar oo wadda wadaaga printer-ka i.w.m, hagu sameyn Uninstall File and Printer Sharing for Microsoft Network, Lasoco marka aad isticmaalayso File and Printer Sharing for Microsoft Network, waxaa aad u sahlan in lagaa soo weeraro NetBIOS iyadoo laguu soo isticmaalayo port nr. 139, waana arin aad khatar u ah.

Intaas kadib dooro TCP/IP, kadib riix Properties, kadib riix Advanced, kadib dooro WINS tab, kadib ka saar calaaamada saxan halka hoose ay ku qoran tahay: Enable LMhosts lookup.

• Wadda xir dhamaan Shares

Si aad arintaas u sameyso riix start, kadib riix run, kadib ku qor compmgmt.msc, kadibna riix ok.

Haddii kale icon-ka My Computer ee kuu saaran desktop-ka inta aad mouse-ka dul saarto riix mouse-ka dhankiisa midig, kadibna ka dooro manage.

Haddii aad rabto habkan kale u fur Computer management, riix Start, kadib Settings, kadib dooro Control Panel, kadib Administrative tools, kadib Computer management.

Marka ay kuu furanto shaashada Computer management, kadooro Shared folders, kadib kasii dooro Shares, intaas kadib marka laguu furo Shares, wadda masax dhamaan waxa ku jira gudaha shares-ka oo dhan.

• Dami Telnet NTLM logings

Si aad u damiso NTLM, riix Start, kadib Run, kadib ku qor: telnet.exe, riix Ok, intaas kadib shaashada kuu furanta ku qor: unset ntlm, kadibna riix enter, misna ku qor quit oo riix enter.

• Shid SYSKEY

Si aad u shido syskey, riix Start, kadib Run, kadib ku qor: syskey.exe, riix Ok, kadib shaashada kuu soo baxda calaamadi halka ay ku qoran tahay Encryption enabled, kadib riix Update, kadib calaamadi Store key locally, kadib riix OK.

• Wadda xir dhamaan Koontooyinka aadan rabin.

Wadda xir dhamaan koontooyinka kale ee aadan ka warqabin ee ku samaysan kombuyuutarkaaga, keliya deyso kuwa aad adigu sameesay ee aad taqaan cidda iska leh, si aad u xirto koontooyinka kale ee ku samaysan kombuyuutarkaaga riix Start, kadib Settings, kadib dooro Control Panel, kadib dooro Performance and maintenance, kadib dooro Administrator tools, kadib dooro Computer management, kasii dooro Local Users and groups, kasii dooro Local Users, kadib wadda masax dhamaan koontooyinka kale ee meesha ku samaysan, keliya kasoo reeb Administrator, Guest iyo dhamaan koonto walba oo aad adigu leedahay ama aad taqaan cidda iska leh.

• Hab kale oo aad u furi karto Computer management.

Haddii aad rabto inaad u furto hab gaaban Computer management, riix Start, kadib ku qor Run, kadib ku qor compmgmt.msc, kadib riix Ok, kadib dooro Computer management, kasii dooro Local Users and groups, kasii dooro Local Users, kadib wadda masax dhamaan koontooyinka kale ee meesha ku samaysan, keliya kasoo reeb Administrator, Guest iyo dhamaan koonto walba oo aad adigu leedahay ama aad taqaan cidda iska leh.

• safer login

Shid safer login riix Start, kadib Settings, kadib dooro Control Panel, kadib dooro User Accounts, kadib ka dooro Change the way users login, kadib ka dhig disable: Use welcome screen.

• Default Password

Si aad ugu masaxto default password-ka ku jira registry-ka, riix Start, kadib riix Run, ku qor: regedit.exe, kadib halka ay ku qoran tahay:
HKEY_LOCAL_MACHINE\Software\Microsoft\Windows NT\CurrentVersion\Winlogon\, ka fiiri innuu ku jiro default password, haddii aad ku aragto ka masax.

• Windows XP internet connection firewall (ICF)

Haddii aad isticmaasho firewall kale oo rasmi ah sidda ZoneAlarm iyo kuwa la midka ah uma baahnid inaad fasaxdo firewal-ka ku jira Windows XP, haddii aadan isticmaalayn firewall kale, enabale ka dhig Windows XP internet connection firewall, wuxuu dhaammaa wax la'aan.

• Fasax Windows XP internet connection firewall (ICF)

Si aad enable ugu dhigto ama aad u fasaxdo firewallka windows xp riix Start, kadib Settings, kadib Control Panel, kadib door Network and internet connections, kadibna Network Connections, kadib dooro connections-ka aad isticmaasho oo ku sameey right click, kadibna ka dooro Properties, kadib riix Advanced, kadibna enable ka dhig Internet Connection Firewall, halkan ka akhriso maqaal ku saabsan sidda aktive looga dhigo firewall-ka ku jira Windows Xp.

• Amaanka Internet Explorer settings

Haddii uusan adgeen amniga IE browser-kaagu, wuxuu halis u yahay in lagu sameeyo aftuub "hijack", wuxuuna qeyb wayn ka noqon karaa in ay browser-kaagu si sahlan ugu soo xirmaan popup-yo wax xayeesiiya iyo barnaamij kale, isla mar ahaantaasna ay kugu adgaado inaad si sahlan ugu saarto kombuyuutarkaaga, marka si aad u adgeyso amaanka IE browserkaaga sameey siddan hoose.

• Adgeey Amaanka Internet Explorer settings

Si aad u adgeyso amaanka IE, riix Start, kadib Settings, kadib door Control Panel, kadib ka dooro Internet Option, kadib marka ay kuu furanto Internet Options qeybta ugu horeysa ee General tab-ka halkeeda dhexe ay ku qoran tahay Temporary internet files sedaxda botoon ee ka hooseeya, kan sedaxaad ee dhanka midig oo ay ku qoran tahay Settings dooro, kadibna gudaha Settings ka door Every visit to page, kadib riix Ok.

Mar kale qeybta General halka ay ku qoran tahay "History" hoosteeda, halka ku qoran Days to keep pages in history ka dhig "0" Eber.

Mar kale kor waxaad ka doorataa Security tab, kadib dooro Internet, kadib riix hoos meesha ay ku qoran tahay Custom level, kadib halka hoose ay ku qoran tahay Reset to ka dhig High, kadib riix Reset, kadib su'aasha lagu waydiiyo ku jawaab (yes).

Halka sare gudaha qeybta Settings-ka hoos u riix scroll bar-ka illaa aad ka aragto qeybta "File download", kadib ka dhig "File download" Enable (yes), si aan lagaaga xanibin haddii aad rabto inaad file ama barnaamij internet-ka kasoo rogato, intaas marka aad samayso kadib riix Ok

Mar kale qeybta Security tab-ka kadooro "Local intranet", kadib door Sites, kadib hubi in ay halkaas wax calaamadsan yihiin "haddii ay wax uun calaamada saxan saaran tahay ka saar oo dhamaan ka dhig kuwa aan saxnayn micnaha aad ka bixisay calaamada saxan, kadib riix Ok.

Mar kale qeybta Security tab-ka kadooro "Trusted sites" kadib dooro Sites, ka dib halka ay ku qoran tahay "Add this web site to the zone" ku qor dhamaan web site-yadda aad ku kalsoon tahay ee aadan ka baqayn in ay wadaan virus i.w.m, waxaad kale oo ku darsattaa web site walba ee u baahan "ActiveX control-ka" in uu ahaado enable, sidda aflax.net, somaliquran.com, islamway.com iyo kuwa la midka ah ma argi kartid qeybahooda sare ee flash banner-ka, haddii aadan ku darsan qeybta "Trusted sites", siddoo kale waxaa lagu tusayaa fariin kuu sheegaysa in security settings uu aad u sareeyo oo aadan markaas si sax ah u argeyn qeybo ka mid ah web site-ka, marka aad booqato web site walba oo u baahan in uu ahaado enable "ActiveX control".

Marka si aad arintaas ugu hor tagto web site walba oo aad ku galsoon tahay ee u baahan in uu enable ahaado ActiveX control-ka gasho qeybtaada "Trusted sites", sidda web site-yadda qaarkood ee leh flash banner-adda iyo sidda kuwa aad member-ka ka tahay ee aad ku kasho magac iyo password i.w.m.

Xasuusnow: in aad marka hore ka saarto calaamada saxan qeybta ugu hooseesa ay ku qoran tahay "require server verification" inta aadan web site ku darin, kadib mid mid ugu darso qeybtan web site yadda aad rabto sidda hoos ku qoran oo kale:


      Tusaale:

    • Add this web site to zone: ku qor "http://*.aflax.net" kadib riix Add
    • Add this web site to zone: ku qor "http://*.somaliquran.com" riix Add
    • Add this web site to zone: ku qor "http://*.passport.com" riix Add
    • Add this web site to zone: ku qor "http://*.aflax.net" kadib riix Add
    • Add this web site to zone: ku qor "http://*.somaliquran.com" riix Add
    • Add this web site to zone: ku qor "http://*.passport.com" riix Add


Marka aad kusoo wadda darsatto dhamaan web site-yadda aad ku kalsoon tahay qeybtaas, kadib riix OK.

Mar kale qeybta Security tab-ka ka dooro "Trusted sites" kadib riix hoos meesha ay ku qoran tahay Custom level, kadib halka hoose ay ku qoran tahay Reset to ka dhig Medium, kadib riix Reset, kadib su'aasha lagu waydiiyo ku jawaab (yes).

Mar kale kor waxaad ka doorataa Security tab, kadib dooro "Restricted Sites", kadib riix hoos meesha ay ku qoran tahay Custom level, kadib halka hoose ay ku qoran tahay Reset to ka dhig: high, kadib riix Reset, kadib su'aasha lagu waydiiyo ku jawaab (yes), kadib halka sare ee gudaha qeybta Settings hoos u riix scroll bar-ka illaa aad ka aragto qeybta "File download" kadibna ka dhig Enable (yes), kadib riix Ok

Mar kale kor waxaad ka doorataa Privacy tab, kadib dooro Advanced, kadib sax ama riix meesha ay ku qoran tahay "Override automatic cookie handling", kadib halka hoose ay ku qoran tahay "First party cookies" ka dhig Block, misna dhanka midig meesha ay ku qoran tahay "Third-party cookies" ka dhig Block, kadib halka ugu hooseesa ay ku qoran tahay "Always allow session cookies" Enable ka dhig, micnaha geli calaamada saxan, ka dib riix Ok

Mar kale kor waxaad ka doorataa Content tab, kadib kadooro qeybta Personal information ee ugu hooseesa Autocomplete kadib dhamaan waxyaabaha ku qoran gudaha Autocomplete Settings ka dhig disable "micnaha ka bixi calaamada saxan haddii ay jiraan qaar saxan", kadib riix Clear forms su'aasha lagu waydiiyana ku jawaab (Ok/yes), mar kale riix Clear passwords su'aasha lagu waydiiyana ku jawaab (Ok/yes), kadib riix Ok si loo xiro shaashada AutoComplete Settings.

Mar kale kor waxaad ka doorataa Programs tab, kadib meesha ugu hooseesa ay ku qoran tahay "Internet Explorer should check whether it is the default web browser" ka dhig disable, "micnaha ka saar calaamda saxan".

Mar kale kor waxaad ka doorataa Advanced tab, kadib keliya enable ka dhig inta ku qoran tusaha 1.0, inta kalena ka saaar calaamada saxan oo ka dhig kuwo "disable" wadda ah ka eeg tusaha 1.0 ee hoose inta aad enable ka dhigeyso.

Tusaha 1.0.

EnableAlways send URL:s as UTF-8
EnableDisable script debugging
EnableEnable folder view on FTP sites
EnableEnable page transitions
EnableShow friendly http error messages
EnableShow go button in address bar
EnableUse passive ftp
EnableUse smooth scrolling
EnableUse http 1.1
EnableUse http 1.1 through proxy connections
EnableDont display online media content in the media bar
EnablePlay animations in webpages
EnablePlay sounds in webpages
EnableShow pictures
EnableSmart image dithering
EnableCheck for publishers certificate revocation
EnableCheck for server certificate revocation
EnableCheck signatures on downloaded programs
EnableDo not save encrypted pages to disk
EnableUse SSL 3.0
EnableUse TLS 1.0
EnableWarn about invalid site certificates
EnableWarn if form submittal is being redirected

keliya ka dhig "Enable" intaas ku qoran tusaha 1.0, dhamaan waxa kale oo dhanna ka dhig disable, micnaha ka saar calaamada saxan, mar walba settings waxaad siddiisa hore dib ugu soo celin kartaa adigoo riixa botoonka halka hoose ku yaal ee ku qoran "Restore Defaults", haddii uusan browser-kaagu amnigiisu adgeyn waxaa sahlan siddii ay waxyaabo badan oo khatar ah kusoo geli lahaayeen kombuyuutarkaaga.

• Outlook Express

Haddii aad isticmaasho Outlook Express, waa in aad adgeyso amnigeeda, si aad arintaas u samayso shid "Start" Outlook Express, kadib dooro Tools, kadib ka dooro Options, kadib dooro Read tab, kadib "Enable" ka dhig "Read all messages in plain text", ogow marka aad noocaas ka dhigto haddii qaar ka mid ah newsletter-adda kuu soo dhaco ay kugu soo dhici jireen qaab html ah, oo ay la socdaan sawiro i.w.m, in aan lagu tuseyn ee lagu tusi doonno wixii qoraal ah keliya, tusaale ahaan Aflax Newsletter wuxuu kusoo baxaa qaab html ah, waanna newsletter nadiif ah, marka aad "Enable" ka dhig "Read all messages in plain text", Aflax Newsletter kuma argi doontid qaab html ah, balse waxaad keliya argaysaa qoraalka la socdo newsletter-ka, waxaan tusaalahan kugu soo qabtay in ay jiraan newsletters qaarkood oo kugu soo dhaca qaab html ah isla markaasna kuwo nadiif ah oo aan lahayn wax khatar ku ah kombuyuutarkaaga, marka adiga ayaa go'aanka iska leh inaad qeybtan u daysato in lagu tuso qoraaladda iyo sawiradda e-mailada kuu soo dhaca oo wadda socto si qaab html ah ama in lagu tuso wixii qoraal ah oo keliya.

Mar kale Options-ka ka dooro "Send" tab, kadib qeybta "Mail sending format" ka dooro Plain text, News Sending Format-na waa innuu ahaado Plain text, sidaan kor kugu soo sheegnay, adiga ayaanna go'aanka iska leh inaad labadan qeybood ka dhigato HTML ama Plain Text, anaga waxaan halkan kugu sharxi doonnaa dhamaan waxyaabaha khatarta kaaga imaan kara ee aad u baahan tahay inaad iska damiso, balse go'aanka ugu dambeeya adigaa iska leh.

Mar kale dooro "Security" tab ka dibna ka dhig disable micnaha ka saar calaamda saxan "Do not allow attachments to be saved or opened that could potentially be a virus", haddii aadan qeybtan ka dhigin disable, waxaa dhici karta in aadan arag faylasha qaarkood ee e-mailka lagugu soo diro ee ah "attachments", haddii xattaa qaarkood aysan lahayn/ahayn virus, intaas kadib riix Apply ama Ok.

Mar kale dooro "Maintenance" tab ka dibna ka dhig "Enabale" micnaha geli calaamada saxan "Purget deleted messages when leaving IMAP folders", marka aad intaas samayso kadib riix Apply, kadibna Ok.

Xasuusnow dhamaan waxyaabaha aan halkan kugu soo qornay waa amniga guud ahaan meelaha laga yaabo in ay khatar kaaga imaan karto, balse adigaa iska leh go'aanka iyo qaabka settings barnaamijta aad isticmaalayso.

• Xir dhamaan services-yadda aadan u baahnayn

Si aad isaga xirto dhamaan services-yadda aadan u baahnayn, riix Start, kadib Settings, kadib Control Panel, kadib Performance and maintenance, kadib Administrative tools, kadib Services.

• Hab kale oo ka sahlan

Waxaa jira hab kale oo ka sahlan habka aan kor kusoo sheegnay oo aad u furi karto Shaashada Services riix Start, kadib Run, kadib ku qor services.msc, kadib riix OK.

Habkii aad u furataba, marka ay kuu soo baxdo shaashada Services, kawadda dhig disable dhamaan Services-yadda enable-ka ah marka laga reebo dhowrkan Services ee aan hoos kugu soo qornay eeg tusaha 1.1.

Tusaha 1.1.

EnableApplication Layer Gateway Service
EnableApplication Management
EnableAutomatic Updates
EnableBackround Intelligent Transfer Service
EnableCryptographic Services
EnableDHCP Client
EnableEvent Log
EnableHelp and support
EnableHuman Interface Device Access
EnableInternet Connection Firewall
EnableNetwork Connections
EnableNetwork Location Awareness (NLA)
EnablePlug and Play
EnablePrint Spooler (Haddii aad haysato printers)
EnableRemote Access Connection Manager (Haddii aad haysato Remote Access)
EnableRemote Procedure Call (RPC)
EnableSystem Event Notification
EnableTask Scheduler
EnableTelephony
EnableThemes
EnableWindows Audio
EnableWindows Image Acquisition (Haddii aad haysato scanners ama digital cameras)
EnableWindows Installer
EnableWindows Management Instrumentation
EnableWindows Management Instrumentation Driver Extensions

Waxaad kale oo halkan services-ka ku argi doonttaa haddii aad isticmaasho Apache ama Mysql isla markaana aad ka dhigtay markii aad kombuyuutarkaaga gelineesay in si service ah ay kuugu shaqeeyaan, marka haddii aad isticmaasho apache iyo mysql oo aadna rabto in ay si services ahaan weli kuugu sii shaqeeyaan waxba haga dhigin "disable", haddii ay markii hore manual ama disable kaa ahaayeen oo aad rabto in ay kuugu shaqeeyaan si ootomatik ah, ka dhigo inay kuugu shaqeeyaan si Automatic ah, hoos baan kuugu sheegi doonna sidda services looga dhigo Automatic, manual ama disable.

FG: Waxaad kale oo aad halkan "Services-ka" ku argi kartaa barnaamij walba oo aad kombuyuutarkaaga gelisay, isla markaasna aad u ogolaaday in barnaamijku uu service ahaan u shaqeeyo, marka adiga kuwa aad taqaan isla markaanna aad rabto in ay service ahaan kuugu shaqeeyaan deyso kuwa kalena iska dami.

• Habka aad Service u shidayso

Service walba oo qeybta "Services-ka" hadda ka ah disabale ama Manual, balse aad rabto inuu si ootomatik ah kuugu shidmo mustaqbalka, waxaad Automatic ugu dhigi kartaa adiga oo double click ku sameeya service-ka ama dusha ka saar mouse-ka service-ka aad rabto innuu si ootomatik ah kuugu shidmo, kadib riix mouse-ka dhangiisa midig kadibna ka dooro "Properties", kadib shaashada kuusoo baxda halkeedda dhexe ay ku qoran tahay Startup type ka dhig Automatic, kadib riix Apply, kadibna Ok.