Stop Virus, Trojan Horse, Web Search, Spyware, to Startup.

Welcome To My Homepage Muxaadaro SPYWARE IYO ADWARE Web Server 1 Web Server 2 Msconfig  Amniga Windows 2000 - WinXp 1 Amniga Windows 2000 - WinXp 2 Ninyahow

Maqaalkeenan maanta waxaan ku baran doonnaa sidda loo isticmaalo Msconfig, isla markaana looga joojiyo kombuyuutarka barnaamijta aan la rabin in ay isla soo shidaan Windows-ka, waxaan siddoo kale ku baran doonnaa sidda Windows 2000 loogu sameeyo program-ka MSConfig.exe, maadaama uusan ku jirin Windows 2000 MSConfig.exe kadibna nasteexo yar.

Dad badan baa kombuyuutaradooda kusoo xareysta Popup Blocker si ay ugu celiyaan popup-yadda wax xayeesiiya, xaqiiqduse waxay tahay in ay weli kujiraan kombuyuutarka dhamaan popup-yadda ay wadaan virus-yaddu xattaa kadib marka uu ruuxu ku xiro kombuyuutarkiisa barnaamij loogu talla galay inuu ka celiyo xayeesiinta popup-yadda.

Haddii aad marka hore kombuyuutarkaaga ka nadiifiso popup-yadda ay wadaan virus-yaddu, uma baahnid inaad isticmaasho Popup Blocker, Search Toolbar iyo waxa la mid ah, kuwaas oo intooda badan kaa qasaarinaya qeyb ka mid ah memory-dda kombuyuutarkaaga, isla markaana kombuyuutarka ku keeni kara culays fara badan.

Waxaa nasiib wanaag ah in maanta qaar ka mid ah Spyware, Web Search, Toolbars, iyo kuwa la midka ah aad si sahlan ugu saari karto kombuyuutarkaaga adigoo isticmaalaya "Microsoft System Configuration Utility" oo loosoo gaabshay MSConfig, kaas oo loogu talla galay in looga cillad-bixiyo dhibaatooyinka qaarkood ee ku yimaadda kombuyuutarkaaga, inta badanna aad ka helli karto dhamaan Operating system-yadda Windows-ka marka laga reebo Windows 95 iyo Windows 2000.

Waxaa maanta aad u yar dadka inta isticmaasha Windows 95 oo ah Operating System duq ah, balse gadaal baan kaaga sharxi doonnaa habka aad MSConfig ugu sameyn lahayd Windows 2000.

Haddii aad isticmaasho Windows 2000 oo aad rabto inaad u sameyso program-ka MSConfig.exe halkan ka akhriso habka aad ugu samayn lahayd.

•Habka aad u isticmaalayso program-ka MSConfig.exe.

Marka hore riix Batoonka Start kadibna ka dooro Run ...

Marka aad doorato Run, waxaa kuu furmayso shaashada Run kadib ku qor msconfig kadibna riix Ok eeg sawirka sare.

Intaas kadib waxaa kuu furmayso shaashad kale oo ka weyn tii hore, sidda kaaga muuqadda sawirka sare, shaashadan ka dooro Startup Tab, kadibna waxaa lagu tusayaa dhamaan barnaamijta la shidma mar walba oo uu kombuyuutarkaagu soo shidma-ba.

Dhamaan program-adda aad halkan ku aragto waxay haystaan fasax ah in ay u shidmaan si ootomatik ah mar walba oo kombuyuutarkaaga soo shidmo.

Sidda caadiga ah waxaad ka dhigi kartaa mid aan saxnayn "unchecked", "micnaha aad ka bixisay calaamada saxan" barnaamij walba oo aadan rabin innuu la soo shidmo windows-ka, xattaa haddii aad dhamaan barnaamijta meesha ku jira ee wadda saxan aad ka saarto calaamada saxan oo aad ka dhigto kuwa aan saxnayn oo micnaheedu tahay inaysan ulla soo shidmin windows-ka si ootomatik ah waad yeeli kartaa, isla markaasna si caadi ah ayuu kombuyuutarkaaga u shaqeenayaa.

Balse waxaad ogaadaa inay jiraan barnaamij muhiim ah oo loo baahan yahay in ay kombuyuutarka ulla soo shidmaan si ootomatik ah, sidda Anti-virus program-ka i.w.m, sidaas darteed waxaa naga tallo ah inaadan ka saarin calaamada saxan Anti-virus program-ka iyo kuwa kale ee aad u baahan tahay in ay lasoo shidmaan windows-ka mar walba oo dib loo soo shido kombuyuutarkaaga.

• Barnaamijta aad u baahan tahay:

Barnaamijta aad u baahan tahay in ay Windows-kaaga lasoo shidmaan waxaa ka mid ah:

  • ScanRegistry
  • TaskMonitor
  • SystemTray
  • LoadPowerProfile
  • Anti-virus program
  • Iyo barnaamijkii kale ee aad u aragto in ay tahay lagama maarmaan innuu lasoo shidmo kombuyuutarkaaga.

Haddii aadan ku arag qaar kamid ah barnaamijta aan kor kugu qoray liistiga StartUp-kaaga, tusaale ahaan sidda LoadPowerProfile "dadka qaar baan haysan LoadPowerProfile", keliya inta aad haysato u ogolow in ay lasoo shidmaan windows-ka.

Haddii aadan hubin barnaamijta loo baahan yahay inay windows-ka lasoo shidmaan sidda kuwa aan kor kugu xusnay oo kale halkan ka eeg warbixin dheeraad ah: Startup Applications List.

Barnaamijta inta badan kombuyuutarka lasoo shidma ee aan ahayn virus waxaa ka mid ah: haddii aad isticmaasho MSN Messenger, Paltalk, Voip, QuickTime, iyo barnaamij walba aad u ogollaado markaad kombuyuutarkaaga gelineyso inuu la shidmo windows-ka.

Haddaba barnaamijta aan ahayn Virus, Trojan Horse, Web Search, Spyware, Toolbar maku keeni karaan innuu kombuyuutarkaaga daaho ama aad u cuslaado, jawaabtii oo gaaban waa haa, sidaas darteed waxaa mar kale naga tallo ah in aadan u fasixin barnaamij aadan isticmaalayn innuu si ootomatik ah ulla shidmo windows-ka kombuyuutarkaaga, sababtoo ah wuxuu qasaarinaya qeyb ka mid ah memory-dda kombuyuutarkaaga ama wuxuu daahinayaa innuu dhaqso usoo shidmo kombuyuutarkaaga.

• Siddeen ku ogaan karaa barnaamijta aan u baahnahay??

Waxaan kor kugu soo qornay bogg aad ka helayso warbixin ku saabsan barnaamijta lasoo shidma windows-ka "Startup Applications List", marka aad boggaas booqado waxaad ka helaysaa warbixino faro badan oo ku saabsan barnaamijta lasoo shidma windows-ka.

Waxaa kalloo sameyn kartaa haddii aad ka shakiso barnaamij si ootomatik ah ulla soo shidma windows-ka kombuyuutarkaaga in uu barnaamijku yahay spyware iyo in kale, waxaad soo qorotaa magaca barnaamijka ka dibna ka raadi google Search Box warbixin ama maqaal ku saabsan barnaamijka.

Google


Waxaa hubaal ah inaad helli doonto jawaabo faro badan oo dhinac walba leh oo ku saabsan barnaamijka aad raadisay.

Waxaad kale oo aad samayn kartaa in aad booqado mid ka mid ah boggaga "Spyware site" Sidda: http://www.remove-spyware.co.uk/is-it-spyware.aspx kadibna aad ka raadiso magaca program-ka innuu list-da ku jiro iyo in kale.

Marka aad dhamaan barnaamijta aadan rabin oo dhan ka saarto calaamada saxan, kadibna aad u dhaafto keliya inta barnaamij ee aad rabto in ay kombuyuutarkaaga la soo shidmaan, baad waxaad riixeysaa OK si loo how geliyo isbadalka aad sameesay.

Marka aad riixdo OK waxaa lagu waydiin doonnaa in kombuyuutarka dib loo soo shido iyo in kale, dooro in kombuyuutarka dib loo soo shido.

Marka kombuyuutarka dib loosoo shido waxaa lagu tusi doonnaa fariin digniin ah, taas oo kuu sheegi doonta in wax laga badalay Startup System Configuration, Calaamadi in aan mar dambe lagu tusin digniintaas.

• U sameey Windows 2000 MSCONFIG program

Waxaad u isticmaali kartaa Windows 2000 Version-ka MSCONFIG program ee ku jira Windows XP, marka haddii aad heli karto kombuyuutar uu ku jiro Operating System Win Xp kala soo bax barnaamijka MSCONFIG oo aad ka heli karto Windows XP qeybtiisan: c:\windows\system, kadibna ku koobiyeeso kombuyuutarkaaga ku jira Windows 2000 qeybtiisa: c:\winnt\system32.

Haddii aadan helli karin kombuyuutar uu ku jiro OS Windows XP, habka aan hoos kugu sharaxnay sameey.

• Gal Maran Ku Sameey Kombuyuutarkaaga:

Fur Command Prompt-ga, waxaad ka helaysaa Command Prompt-ga:
Start->Programs->Accessories->Command Prompt ama inta aad riixdo Start ka dooro Run kadibna ku qor cmd.exe, kadib marka laguu furo Command Prompt-ga ku qor:
Mkdir C:\msconfigxp, riix Enter, intaas kadib waxaa C:\ Drive-ga lagu sameenayaa gal maran oo lagu magacaabay msconfigxp.

Halkan kasoo rogo Msconfig.exe, kadibna ku kaydi barnaamijka galkii aad sameesay ee ahaa msconfigxp.

Kadib mar kale fur Command Prompt-ga oo ku qor sidan:
xcopy C:\msconfigxp\msconfig.exe c:\winnt\system32, kadib riix Enter, intaas marka aad sameyso kadib, waxaad kombuyuutarkaaga Windows 2000 u yeeshay MSCONFIG program, kadibna sameey sharxaada aan kor kusoo sharaxnay ee ah sidda looga joojiyo inay kombuyuutarkaaga la shidmaan barnaamij aadan rabin.

• Nasteexo iyo Gunaanud

Waxaa hubaal ah haddii aad intaas u sameesay sidda aan sawirada iyo qoraalada kugu sharaxnay, isla markaasna uu kombuyuutarkaaga la dhaqaaqi weysanaa barnaamij badan oo isla shidi jiray mar walba uu kombuyuutarka soo shidmaba, in aad ku argi doonto kombuyuutarkaaga fir fircooni iyo fudeed siddii hore aad ugu wanaagsan, waxaad kale oo aad ka nasan doonttaa haddii kombuyuutarka ay culays weyn ku hayeen Virus, Trojan Horse, Web Search, Spyware iyo Toolbar isla shidda mar walba uu kombuyuutarka soo shidmo, siddoo kale waxaa nagga talla ah inaad mar walba aad isticmaasho Anti Virus wanaagsan, isla markaana aad ku sameeyso up-to-date, si uusan kuugu soo dhuuman virus cusub oo uusan ka warqabin Anti Virus-kaaga, in ka badan boqolaal Virus baa bil walba lasoo saaraa. Isticmaal Firewall, Firewall-ku wuxuu leeyahay (filtering system) joojin kara barnaamijta kaa soo galaya kombuyuutarkaaga isla markaana isla soo shidaya windows-ka. Isticmaal Windows Update, oo waliba ka dhig Automatic Updates si mar walba loogu soo rogo wixii cusub ee uu ubaahan yahay Operating system-ka ku jira kombuyuutarkaaga. Waxaan kuu rajeenaynaa Guul iyo Horumar insha Allaah.