WAA MAXAY SPYWARE IYO ADWARE ?

Welcome To My Homepage Muxaadaro SPYWARE IYO ADWARE Web Server 1 Web Server 2 Msconfig  Amniga Windows 2000 - WinXp 1 Amniga Windows 2000 - WinXp 2 Ninyahow

Waxaa in badan dhacda in adigoo kombuyuutarkaaga ku xiray barnaamij ka difaaca pop-up-yada wax xayeesiiya misna aad pop-up-yo fara badan ku aragto shaashada kombuyuutarkaaga.

Waxaa kale oo in badan dhici karta adigoo soo iibsatay kombuyuutar cusub misna aad kombuyuutarkiiba la isticmaali waydo culays iyo daahid fara badan oo aadan garanayn halka ay kaga timid kombuyuutarkaaga.

Hadaba maqaalkeenan maanta waxaan ku baran doonnaa barnaamij qaarkood oo haddii ay kombuyuutarkaaga soo galaan ku keeni kara labadaas arin aan kor kusoo xusnay iyo waxyaabo ka badan.

Waxaan maanta baran doonaa waxa ay yihiin Spyware iyo Adware, waxaan kale oo aan maqaalkeenan ku ogaan doonnaa meelaha ugu badan ay kasoo galaan kombuyuutarka Spyware iyo Adware, kadibna waxaan soo qori doonnaa habka looga badbaadin karo in ay kombuyuutarka soo galaan Spyware iyo Adware.

• Waa Maxay Spyware iyo Adware.

Spyware iyo Adware waa barnaamijyo yar yar kuwaasoo si qarsoodi ah uga war sheegooda kombuyuutarkaaga adiga oo ka warqabin in ay kombuyuutarkaaga ku jiraan, halka ay kaga jiraan iyo waxa ay sameenayaan.

Marka ay Spyware iyo Adware soo galaan kombuyuutarka waxay isla markiiba ku keenayaan culays fara badan, waxay aad u cusleenayaan internet connection-kaaga, sababtoo ah waxay had iyo jeer furayaan pop-up-yo fara badan oo wax xayeesiinaya, waxay kaloo hoos u dhigayaan howlihii kombuyuutarkaaga, kadibna waxay gudbinayaan warbixintaada shakhsi ahaaneed, adiga oo aadan u fasaxin kanna warqabin.

Spyware wuxuu had iyo jeer raad raacayaa isticmaalka kombuyuutarkaaga iyo dhamaan waxyaabaha aad ku furto internet browser-kaaga, kadibna wuxuu u dirayaa warbixno badan oo ku saabsan kombuyuutarkaaga shakhsigii ama shirkadii barnaamijka lahayd.

Siddoo kale Adware wuxuu isagana raadraacayaa waxyaabaha aad ku furto internet browser-kaaga, kadibna wuxuu si qasab ah u furayaa shaashado pop-up ah oo wax xayeesiinaya kuwaas oo kasoo baxaya shaashada kombuyuutarkaaga.

Spyware iyo Adware waa labo barnaamij oo runtii aad u dhib badan, labaduna waxay kombuyuutarka kusoo kalaan hal jeer oo aad gujiso mouse-kaaga, kadib marka laguu furo adigoo internet-ka dhex mushaaxaya shaahad yar oo ay ku qoran tahay siddan: "Ma doonaysaa inaad install ku samyso barnaamij X oo bilaash ah?" sidda kaaga muuqada sawirka hoose oo kale.

• ActiveX Installation

Windows-ka wuxuu leeyahay qalab aad waxtar u leh oo lagu magacaabo ActiveX, ActiveX-ku waxa loogu talla galay innuu u ogolaado qofka barnaamijka sameenaya in barnaamijkiisa laga dhex isticmaali karo webpage.

Marka aad booqado bogaga qaarkood ee lagu dhisay flash, baad waxaad in badan aragtaa in laguu soo bandhigo shaashad la mid ah shaashada sawirka kor kaaga muuqda oo lagugu waydiinayo in aad doonayso in kombuyuutarkaaga lasoo geliyo Macromedia flash player oo bilaash ah, si browserkaaga aad ugu daalacan karto boggaga lagu dhisay flash-ka.

Waa arin sax ah in qofku ku jawaabo "haa" marka la tuso shaashada leh muuqa shaashada sawirka sare oo kale, waa haddii uu qofku rabo in lasoo geliyo kombuyuutarkiisa Macromedia flash player, taas oo qofku la'aanteed aanu argi karin boggaga lagu dhisay ama lagu soo lifaaqay faylasha flash-ka.

Balse waxaa jira dad si kale u isticmaalo ActiveX oo raba in ay kombuyuutarka ku geliyaan Spyware ama Adware, iyagoo leh "Ma doonaysaa in aad install ku samayso barnaamij bilaash ah sidda Ringtones i.w.m, kadibna marka qofku riixo "yes" sidaas uu kombuyuutarkiisa kusoo galo Spyware ama Adware.

Inta badan marka qofka uu argo barnaamij uu ubaahan yahay ama loosoo bandhigo waxyaabo kale oo uu xiiseenayo isla markaasna la yiraahdo waa bilaash, waxuu durbadiiba qofku ogolaadaa in lasoo rogo shaygaas lana geliyo kombuyuutarka.

Hadaba ruuxa raba inuu kombuyuutarkaaga soo geliyo Spyware ama Adware kuuma soo qorayo "Ma doonaysaa in kombuyuutarkaaga lasoo geliyo Spyware ama Adware", balse wuxuu adeegsanayaa erayo kale uu is leeyahay dadku way xiiseen karaan, kadibna ruuxii la dhaca waxa meesha uu qofkaas kusoo qoray, waxay u badan tahay innuu ku jawaabo "yes" 100%, sidaasna ay kusoo galaan kombuyuutarka Spyware ama Adware, kadibna marka labaad ee uu qofku soo shido kombuyuutarkiisa ku argo isbadalo fara badan sidda: bogga hore browser-ka oo la badalay, pop-up-yo i.w.m.

Spyware iyo adware marka ay soo galaan kombuyuutarka waxaa dhacda in ay marar badan kombuyuutarkaas ay ku jiraan ku keenaan dhibaatooyin aad u fara badan sidda:
in kombuyuutarka oo dhanba uu la dhaqaaqi waayo culays fara badan, in ay dhunto ama shaqeyn kari-weyso Internet connection-ka, in program-addii kale ee ku jiray kombuyuutarka crash ku dhaco, iyo in windows-ka laftiisa xattaa uu crash ku dhaco, gaar ahaan Windows 9x/Me, dhibaatooyinkaas iyo wax la mid ah bay sabab u noqon karaan marka ay soo galaan Spyware iyo Adware kombuyuutarka.

Spyware iyo Adware waxay in badan la socdaan barnaamijta bilaashka ah ee laga soo rogto internet-ka waxaana ka mid ah barnaamijta ay la socdaan kuwan hoos ku qoran:

 • Hot Bar
 • Date Manager
 • Bonzai Buddy
 • Gator
 • Cydoor
 • New Dot Net
 • Download Accelerator Plus
 • Kazaa
 • iyo boqolaal barnaamij oo kale...

• Hadaba Waa maxay Xalku?

Xalku waxa weeye in aad marka ugu horeyso ka joojiso kombuyuutarkaaga barnaamijta faraha badan ee aad soo gelinayso kuwaas oo aadan aqoon ama aadanba ku galsoonayn halka aad kasoo qaadanayso barnaamijka.

Siddoo kale xalku waa in aad kombuyuutarkaaga u isticmaasho 5 barnaamij oo waxtarleh loonna baahan yahay in aad si joogto ah update ugu sameyso, shanta barnaamij ee aad u baahan tahay inaad kombuyuutarkaaga u isticmaasho waa bilaasha ama waxay leeyihiin version waxtarleh oo bilaash ah, waxayna kala yihiin barnaamijtaas:

    • AdAware Waa barnaamij isticmaalkiisu uu aad u sahlan yahay isla markaasna waxtarleh, (Waa bilaash, balse wuxuu leeyahay version lacag ah).

    • SpywareBlaster Wuxuu kaa difaacayaa barnaamijta kaasoo raaci kara IE/Mozilla/Firefox, xattaa wuxuu kaa joojinayaa ActiveX controls iyo waxyaabaha kale ee waxyeelada leh, ka hor inta uusan kombuyuutarkaaga ogalaan in ay soo galaan.

    • Spybot - Search and Destroy Wuxuu soo qabanayaa oo kombuyuutarkaaga uu ka saarayaa barnaamijta Adware-ka kuwaasoo ay soo qaban kari waayeen barnaamijta loogu talla kalay in Adware-ka soo gala kombuyuutarada lagaga saaro.

    • Anti-Virus Waxuu kombuyuutarkaaga ka difaacayaa trojans-ka iyo virus-yada kale ee khatarta ah.

    • Firewall Wuxuu kombuyuutarkaaga ka difaacayaa weerarada dibada kaga imaan kara, wuxuu kale oo difaacayaa haddii trojans ku jirta kombuyuutarkaaga ay rabto in ay ku xiranto internet-ka, Windows XP wuxuu leeyahay firewall balse wax badan ma difaaci karo, Zonealarm waxuu leeyahay version bilaasha ah oo runtii aad uga fiican firewall-ka ku jira Windows XP.

 • Sidda aad u isticmaalayso Barnaamijdan install kadib!

Waxaan halkan kaga hadli doonnaa labada barnaamij ee ugu horeeya sidda aad u isticmaalayso kadib marka aad geliso kombuyuutarkaaga, waxaan ku hor mari doonnaa Ad-Aware kadibna Spyware Blaster.

 • Ad-Aware

Adaware waxuu ka mid yahay barnaamijta ugu sahlan ee lagu saari karo Adware iyo Syware, wuxuu kale oo uu leeyahay updates bilaash ah, marka aad barnaamijka geliso kombuyuutarkaaga kadib, waxaa lagu tusayaa shaashad u eg sidda shaashada sawirka hoos ka muuqda oo kale.

Waa muhiim in aad update ku samayso barnaamijka, si loogu soo rogo haddii ay jiraan wax faylal ah oo uu leeyahay barnaamijka oo update lagu sameeyey, hadaba si aad arintaas u samayso waa in aad gujiso halka ay qoran tahay "Check for updates now", mar walba oo aad barnaamijka shido-ba.

Kadib riix "connect", kadibna u ogolow in lasoo geliyo kombuyuutarkaaga faylasha uu u baahan yahay barnaamijka adiga oo riixaya "OK".

Intaas kadib waxaa faylasha uu barnaamijku u baahan yahay laga soo rogayaa server-ha Lavasoft, si barnaamijka loogu sameeyo up-to-date "micnaha barnaamijka loola socodsiiyo Adware ama Spyware-adda cusub".

Marka lasoo rogo dhamaan faylasha uu ubaahan yahay barnaamijka kadib, riix "Start" si aad u bilowdo in kombuyuutarkaaga scan lagu sameeyo, kadibna calaamadi "Perform Full System Scan", misna ka saar calaamda saxan "Search for negligible risk entries", kadib riix next.

Intaas kadib barnaamijka wuxuu scan ku sameenayaa hard disk, registry iyo system memory-adda kombuyuutarkaaga isagoo ka baaraya in ay ku jiraan wax barnaamij spyware ama adware ah oo la yaqaan, kadibna wuxuu kuusoo bandhigayaa shaashad kale oo u eg sidda shaashada hoos kaaga muuqada.

Waxaa naga tallo ah in aad wadda calaamadiso micnaha aad "tick" ama calaamada sax geliso dhamaan waxyaabaha uu barnaamijka soo hello, kadibna riix next.

 • Spyware Blaster

Marka aad install ku samayso barnaamijka kadib, waxaa kula gudboon inta aadan wax kale sameyn in aad marka ugu horeyso barnaamijka update ku samayso, hadaba si aad barnaamijka update ugu samayso marka ugu horeysa ee aad barnaamijka furto riix barnaamijka dhankiisa bidix, waa halka ay ku qoran tahay "update", kadib update tab, kadibna riix botoonka hoose ee ku qoran "Check for Updates" eeg sawirka hoose.

Marka lasoo rogo dhamaan faylasha uu ubaahan yahay barnaamijka kadib, riix "protection" tab, protection tab-ka waxaad ku argaysaa barnaamijka dhankiisa bidix, kadib marka laguu furo protection" tab-ka, ka dooro Internet Explorer.

 • Internet Explorer:

Marka laguu furo qeybta Internet Explorer, waxa ugu horeeya ee loo baahan yahay in aad calamadiso ama "tick" ku samayso waa "prevent installation of ActiveX based Spyware, dialers, etc.", marka aad halkaas calaamadiso kadib, barnaamijka wuxuu is hortaagayaa dhamaan ActiveX controls-ka khatarta ah ee soo galay system-ka kombuyuutarkaaga.

Misna waxaad calaamadisaa halka ay ku qoran tahay "prevent spyware/tracking cookies", marka aad halkaas calaamadiso kadib, Internet Explorer-ka dib dambe uma aqbali doonto cookies-ka ay leeyihiin shirkadaha spyware-ka ama wax xayeesiiya.

 • Mozilla/Firefox:

Haddii aad isticmaasho Mozilla/Firefox waxaa kula gudboon inaad riixdo qeybta ay ku qoran tahay Mozilla/Firefox, kadibna calaamadi halka ay ku qoran tahay "Prevent spyware tracking cookies" eeg sawirka sare .

 • Restricted Site Protection:

Mar kale riix qeybta Restricted Site tab, kadibna calamaadi halka ay ku qoran tahay "Restrickt the actions of ad/tracking/potentially unwant sites in Internet Explorer".

Waxaa kale oo jira qeybo badan oo lagu sameeyey barnaamijkan sidda qeybta flash killer iyo qeybaha kale ee ku jira qeybta tools-ka, waxaan sidoo kale ka hadlin isticmaalka qeybta "system snapshot", qeybtan waxay leedahay backup oo haddii barnaamij Adware ama mid kaleba ah wax ka badalo qeybaha system-ka kombuyuutarkaaga kuu ogolaanaysa inaad siddiisii hore dib ugu soo celiso, runtii waa barnaamij aad u fiican isticmaalkiisuna aad u sahlan yahay.

Sedaxda barnaamij ee kale waxaan rajeenaynaa in aysan kugu dhib ahayn in aad geliso kombuyuutarkaaga, marka aad geliso kombuyuutarka Spybot u ogolow in update lagu sameeyo si loosoo rogo faylasha uu u baahan yahay barnaamijka.

 • Nasteexo iyo Gunaanud

Waxaa naga tallo ah in aad soo rogato dhamaan barnaamijta aan kor kugu xusnay (Dhamaantood waa bilaasha ama waxay leeyihiin version bilaash ah).

  1. Soo rogo barnaamijdan kadibna ku sameey, Install, Update iyo Run:

  2. Ha isticmaalin barnaamij loo isticmaalo P2P, haddii aadan aqoon ulla jeedada aad barnaamijka u isticmaalayso iyo khatarta uu barnaamijka ku keeni karo amniga kombuyuutarkaaga.

  3. Ka taxadar E-Mail Attachments-ka, waxaa in badan dhici karta inta laguusoo qaado magac qof aad taqaan ama ku jira contact address buugaaga laguu soo diro trojans, spyware iyo wax halis weyn gelin kara amaanka kombuyuutarkaaga.

  4. Marnaba ha ogolaan in kombuyuutarkaaga lasoo geliyo barnaamij isticmaalaya ActiveX controls, haddii aadan adigu aqoon ama ku galsoonayn qolyaha raba in ay isticmaalaan ActiveX controls, si ay kombuyuutarkaaga u geliyaan barnaamij.

  5. Adgeey Amaanka Internet Explorer Settings, waxaan kaga hadalnay sidda loo adgeeyo amaanka Internet Explorer Settings maqaalkeennii kan ka horeeyey ee aan ugu magac darnay Sidda amni adag loogu sameeyo Windows 2000 / XP.

Waxaa hubaal ah haddii aad samayso intaas aan kor kugu soo sharaxnay, in aad darbi adag ka sameesatay waxyaabo badan oo khatar ku ah amaanka kombuyuutarkaaga.
Waxaan kuu rajeenaynaa Guul iyo Horumar insha Allaah.